1. Dad bay guushu qosol iyo la tahay, turufa beenaade
2. Tartiib iyo fudayd igu wallaan cidu u taabayne
3. Tubta loo maraayana haddaan yara tilmaameeyo
4. Toobiye turaanturo[1] ah oo dhagaxna taakeysay
5. Filgin[2] taagan waafeer[3] tigtigan[4], qori-jab[5] taallaysan[6]
6. Maska tufaya Aar taangiyo, haramcad soo taagan
7. Tafta marada Kaxar[7] taabta iyo, tacaddi joogtooba
8. Iyo xanan[8] tagoogaha cunoo, tiliq[9] yiraa dhiiggu
9. Oon lagu tegayn dhowr sanoo, weeye sii tubane[10]
10. Tartiib kii ku gaar oranayoow, waa lgaa tegaye.
sharraxa
[1]: turaanturro= kuf-kufid
[1] : filgin= qoray jabkiis meel ka soo taagan
[1] : waafeer= waxa la midyahay Filgin
[1] : tigtigan= dhowr meelood ka soo taagan
[1] : qori-jab= meel ay yaalliin qoryo iyo xaabo oo aan la mari karin
[1] : taallaysan= is dul saaran
[1] : Kaxar= geed miro yaryar oo qodxo leh dhala oo darfaha marada ku dhega
[1] : xanan= geedo yaryar oo qodxo leh magac la isku yiraa
[1] : tiliq=si tartiib tartiib ah dhiig u daadasho
[1] : Tuban= sii muuqa ama sii yaal
[1]: turaanturro= kuf-kufid
[2] : filgin= qoray jabkiis meel ka soo taagan
[3] : waafeer= waxa la midyahay Filgin
[4] : tigtigan= dhowr meelood ka soo taagan
[5] : qori-jab= meel ay yaalliin qoryo iyo xaabo oo aan la mari karin
[6] : taallaysan= is dul saaran
[7] : Kaxar= geed miro yaryar oo qodxo leh dhala oo darfaha marada ku dhega
[8] : xanan= geedo yaryar oo qodxo leh magac la isku yiraa
[9] : tiliq=si tartiib tartiib ah dhiig u daadasho
[10] : Tuban= sii muuqa ama sii yaal