War naga xir daaqadda, qabow baa wadnaha na jaraye, layrsigaaga ma aqaane, iyo hadallo kale ayaa yeeraya.
….. Waa laami dawaali ah oo aan god iyo jajab midna lahayn. Waxaa ku jooga Bas ay saaranyihiin ku dhawaad soddon qof, oo rag iyo dumar isugu jira. Xilligu waa subax hore oo weli waxaa jira dhaxan qabow. Wuxuu Basku xawaareeyaba waxa uu soo istaagay tuulo yar, laamiga qarkiisa ayaa baakin laga geliyay Bas-kii, meel u dhaw waxaa yaalla labo miis oo lays dhinac dhigay, waxa dusha ka saaran dhowr caag oo caano geel iyo lo’ba ah ay ku jiraan. Waa cidlo oo dadkii iibin lahaa guriga ka soo horjeeda ayay gadaal u galeen.
Ilbiriqsiyo ka dib waxaa soo baxaya gabar yar oo qurxuun. Ma da’ wayna waana yara iftiimaysaa oo waxa ay leedahay dhiig furan midabkeedana caddaan ayaa ku jira. Waxa ay gashantahay dacas, waxa ay xirantahay Dirac basali ah oo baati ah gacmihiisuna muruqa gacanta ka sarreeyo, garbahana waxaa u saaran go’ yar oo cas(guduudan). Caato ma aha hilib saarranna arki maysid. Waa canug yar oo cajiib ah. Dabaysha qabowga wadata ayaa bitinaysa Diraca gabadha markaas buu waxa uu ku dhac-dhacayaa halkaa bogga ah ee ka hoosaysa bar-dhammaadka labadeeda naas. Waa gashaanti is hubta oo ma xirna Naaso xejiye(Rajastiin). Dhex yaraa oo dhuubanaa, caddaa oo cuddoonaa, qurxuunaa oo qaab samaa, hadal qaboobaa wax iibin ogaa.
Si tartiib ah ayay dhegta u soo qabanaysaa caagad qiyaas ahaan seddex Liitar muggeedu yahay. Waxa ay kor-kor u soo dhiibaysaa caaggii oo gacanta u gelisay nin kuraasta danbe jooga. Haddaad wiil tahay waxa aad qalbiga iska leedahay “ninku damiir la’aa, maa gacanta ku dhego ay soo taagayso” markaasaad haddana is leedahay “oo adigu maad ku dhegtid” saa haddana xaggeeda eegaysaa oo aad u dirsanaysaa caagad caano ah oo aadan u baahnayn awal hore. Nasiib xumo se, markuu gaarigu dhaqaaqo ayaad ogaanaysaa in aad isha uun ka dayaysay ee aadan waxaba u dirsan markaasaad is ciil kaanbiyaysaa oo is canaananaysaa. Markuu Basku Laamiga ku dhacana waad isla sheekaysanaysaa.
Nafta waxa aad waydiinaysaa ” gabdhaha Lambar ayaa laga qoran jiraye, maxaa kugu dhacay?” Iyo su’aalo kale oo fara badan, markaasaa waxa aad ku w ar helaysaa ” iyadoo kac lagu leeyahay. Oo maxaa dhacay” saa laguugu jawaabayaa “labadaan qof boos u bannee” markaas baad yaabaysaa oo aad is leedahay “gaariga goormee la joojiyay? Dadku ma isagoo socday soo raaceen? Mise adigaa miir daboolmay? Ma ogi wax kugu dhacay!!!!!!.