Gorfayntii Buugga Bilic Haween

Table of Contents

No headings were found on this page.

》Waayaha noloshu waa cajiib,
Ma ogi xawaaraaha ay ku socdaan,
Balse waxaan ogahay in ay socdaan.
Ma ogi habka ay kuugu sharraxayaan waxaanse ogahay in ay cashar ku barayaan.
Xalay waxa ay i dhex geeyeen kayn aan lahayn bahlo laga cabsado.
Waxa aan la yaabay ma ahayn mirihi macaanaa ee aan gurtay,
Laakiin waxaan la ashqaraaray halkii geed ee aan miraha kala duwan ka gurtay !

Ma waxa aad la anfariirtay in hal geed laga cuno miro kala nooc ah ?
Kaalay aan kaynti ku dhex geeyee.

Xalay waxaa gacantayda soo galay buug lagu magacaabo BILIC HAWEEN.
Waxaan billaabay in aan deg-deg u akhriyo sidii in la’ iga ceshan doono.

Bilic haween waa buug aad u weyn wuxuuna ka koobanyahay 130 bog oo kali ah !
marki aad waraaqaha tiriso waa 130 bog balse marki aad micnihiisa eegto waxa aad is leedahay ma labo eber baa gadaal looga daray.
Intii aan ku dhex mushaaxayey buuggaan cajiibka ah, maskaxdayda waxaa ka socotay dood ah ” Bilic Haween waa xikmado la soo aruurshay, waa sheeko faneed Rug caddaa ku farayaraystay, waa dardaaran; waayeel iyo cuqaal laga soo qoray, waa xulkii suugaanta oo qalin loo qaatay, waa amaantii iyo tilmaantii gabdhaha Soomaaliyeed oo buug noqotay”

Markii aan dhammeeyay akhriska buugaan doodaasi way dhamaatay;-
haddii ay jireen labo qof ama dhawr qof oo arrintaan ku murmaysay way isfahameen waxayna ku heshiiyeen
Sifooyinka aan soo sheegay in la’ isku daray ka dibna loo bixiyey BILIC HAWEEN.
Hadaba soo maahan hal geed oo miro kala duwan dhalay ama laga gurtay?

Yaana kaa illaawine waxaa jidha arrin kale oo muhiim ah
Marki aan buugaan dhammeeyey waxaan noqday labo shakhsi, mid wuxuu ku doodayaa
“kani waa buug waxaana ku qoran afsoomaali qurux badan,
Mid kalana wuxuu leeyahay “MAYA” kani waa buug ay baalashiisa ku xardhanyihiin sawirrada gabdho aad u qurux badan”. Taasina waxay ku tusinaysaa hab qoraalka aan marna laga daalayn ee buuggaan loo dhigay.

Ugu dambaynti qoraaga ,Calinuur Axmed Yuusuf,waxaan uga mahadcelinayaa sida uu iskugu hawlay soo ururinta buuggaan wax tarka leh kuna tusaya qiimaha gabadha Soomaaliyeed iyo sida uu u xushay mawduuc u baahan in wax badan laga qoro.

BILIC HAHEEN Gabadha akhrisa wuxuu u noqonayaa muraayad ay iska dhex aragto , dhiirigelin, hoga tusaalayn iyo tababar nololeed.
Sidoo kale “BILIC HAWEEN” wuxuu noqon doonaa marjac laga helo suugaan iyo sheekooyin dhaxal gal ah kuna sigtay in ay la dhintaan waayeelkii ay maskaxdooda ku jireen.

Waxaan rajeynayaa in dhallinyaro badan ka faa’iidi doonto gaar ahaan gabdhaha Soomaaliyeed.
Curadeydana waxaan ugu sii bishaaraynayaa in ay ku soo biiri doonto aduun BILIC HAWEEN dhex yaallo inshaa Allah.
Dhammaad.
W/Q: C/qani Cali Adan ( Xikmad)

Want to keep up with our blog?

Get our most valuable tips right inside your inbox, once per month!

Related Posts

gabay Jowhar qarameed

Gabaygii jowhar qarameed. Abwaan Carays Urur Indhaweyd ba jiinleyda gabay, jaanis uma heyne Ma jalleecin maansooyinkii, jeedalka ahaaye Wax I jiitay mooyiye beryahan waa ka

Read More »