Waxa jira dad iyagu inta dunuub sameeya haddana ku
sheekeynaya oo ku shaah cabaya.
Macaasidu waa wax ilaahey xarrimay mana aha wax lagu
faano ee wax Ilaah laga magan galo.
Qofka bini`aadamka ah waxaa ku xiran naf, naftaas oo
dulmiga jecel. Waxa ay naftu qofka ka tuurtaa qar iyo buur.
Waxa ay gelisaa sino, waxa ay qoorta u gelisoo dil iyo diyo.
Samaan kastaa waxa ay u noqotaa xumaan, xumaan kastaana waxa ay u noqotaa samaan m
arkaas buu suubbiyaa. Maansadan waxa ay ka hadlaysaa guud ahaan sinada iyo natiijadeeda aakhireed.
Haddii aan fasiiraad idiin saaro; sow ma jiraan niman raadiya intooda badan xaaraanta?
Oo dumarka u caal saarreeya sidii rati hal abasaxa helay? Raggaas bay waxa ay leedahay
“ka jooga derbiyada aad sii abraaraysaan! Gabdhaha aad gabar nimadooda dhaafinay
saa nin bay daydayan lahaa oo ku il nuursan lahaa inta qarash ka dhiibo oo si sax ah u doontee.
Sidoo kale ka jooga oo sharafka ha ka dilina haweenka maxaa yeelay ilmo ayay hooyadood noqonaysaa adiguna hooyadaa ma jeclid in sidaa la yeelo ee is barqabo.
Sidoo kalena waxa ay maansadu sheegaysaa in haddii uu qofku damdamta iyo oroddka dayn waayo in uu cadaabta abaal u heli doono.
Maansada Damac waxay tiri