Xaraf siyaadaa (gabay)
Gabaygan waxa uu la hadlayaa ardayda qalinlayda ah gaar ahaan kuwa iskuullada dhigta. Waxa uu hor keenayaa sababo badan oo laga doonayo in ay la yimaadaan. waxaa curiyay Abwaan Calinuur Shiine. Waxa uu soo baxay 2018.
- Waa kala sarreeyaan aradadu, waana shay sugane
- Sare iyo dhexiyo hoose baa, lagu sifeeyaaye
- Yaan la sahashan waaniyo tix baan, talo idiin siine
- Sanadkaad billowdiyo iskuul, subaxa aad aaddo
- Waajibaad siyaadaa ayaa, lagu dul saaraaye
- Waa inaad sagseeg lama rabee, saafi noqotaaye
- Siyi iyo dhar baa loo xirtaa, suurad loo wacane
- Waa lama sitaan maro haddey, saanyac jeen tahaye
- Yaan wax suuraddeed doorsha iyo, saxar ba loo eegin
- Waxa qalinka loo saarayaa, buugga waa sababe
- Salaqsalaqya dheeldheel ma aha, aadoo soo noqo e
- Waa inuu sedriga kuu galaa, xaraf siyaadaahe
- Waxaad sanaddo kala heera aad, buugtanow sidato
- Suudi iyo kuleyl iyo waxaad, subax jarmaadeyso
- Waa inuu sedriga kuu galaa, xaraf siyaadaahe
- Salaaddoon iftiinkeed la arag, aadminow soconin
- Waxa suubban hooyada allay, aan jikada seejin
- Waa inuu sedriga kuu galaa, xaraf siyaadaahe
- Samoow aabbahaa jeerka uu, dhididka seyraayo
- Wax sasaba naftiis iyo ma weyn, shay uu saanyado e
- Waa inuu sedriga kuu galaa, xaraf siyaadaahe
- Ardaygii saq dhexe daalaacdee, aan dersiga seegin
- Sikin iyo daqiiqaad haddii, lagu su`aaleeyo
- Salbi iyo adayg kuma noqdee, waa bun subaxeede.
Abwaan Calinuur Shiine.