gabaygaan wuxuu ka hadlayaa hooyada uurka leh iyo waxyaabaha looga baahanyahay.
- Afo iyo marwadii reer leh oo, weliba uurrey ah
- Wax aan oran lahaa baa jiriyo, erayo waawayne
- Ahlan dhaha tix aan soo unkaan, eegga furayaaye
- Si aan ubadka kiinood dhasheen, cudur u aafaynin
- Aqoontiyo waxaa aragtideey, ila habboonaatay
- In intaysan awalkeeda hore, gabadhu uuraysan
- Adeeg caafimaad oo il-tiran, loo abaabulo e
- Oo si aad ah iyo weliba aad, loo agaasimo e
- Ammintiyo waqtiga uurku waa, lama illaawaane
- Hooyada wax lagu aamminaay, eego danahaaga
- Isbitaal inaad booqatiyo, goob adeeg wacan le
- Ood Emsii Ejyada gaarto waa, kuu ekoontahaye
- Il sideedi baa ubadka yaal, ubuc la dhowraaye
- Kaniinigii kastood aragto iyo, quudka idilkiisa
- Afka lalama aadoo dib bay, eel ka dhaliyaane
- Ilmaheey wax yeellaynayaan, saan ogsoonnahaye
- Ha il-duufin oo Oori noqo, sharaf le loo aayo
- Anfacada intii dheef leh iyo, oonka waxa reeba
- Allayl iyo aroor noolba waa33, lagu aqdaamtaaye
- Adigoon intaa iyo intaa, kala illaawaynin
- Isbitaal inaad booqatiyo, goob adeeg wacan le
- Ood Emsii Ejyada gaarto waa, kuu ekoontahaye
- Ha il-duufin oo Oori noqo, sharaf le loo aayo
- cudurro dhaliyaa jiroo, jara arwaaxdaaye
- Aqoon bay rabtaa iyo tartiib, aan il-duuf jirine
- Adayg kama dhigee jeer hadduu, Eebbe kala keeno
- Canuggoo abaydina haddaad, ooyintiis maqasho
- Afkoo naaska loogugu duwuu, ku istiraaxaaye
- Aammus iyo markaasuu karaa, aayar meel hurude
- Adigoon intaa iyo intaa, kala illaawaynin
- Isbitaal inaad booqatiyo, goob adeeg wacan le
- Ood Emsii Ejyada gaarto waa,kuu ekoontahaye
- Ha il-duufin oo Oori noqo, sharaf le loo aayo
Abwaan Calinuur Shiine gabay 2020