Maansada ToolmoonAbwaan Calinuur Shiine

Table of Contents

Toolmoon (jiifto)

Maansadan la yiraa toolmoon waa waano iyo wax sheeg. Badanaa iyadaa is fureysa oo wax adag kuma jiraan malaheyga. Qeyb waliba gaarkeeda ayay micno gooni ah u faa`iideyneysaa.

  • Tixahayga maansadu
  • Waa u talo dadwaynaha
  • Waa u tiir mid liicaya
  • Waa u hiil mid tabar daran
  • Waa hees mid toosaya
  • Cudur iyo qof tows qaba
  • Waa u daawo taamila
  • Hibo weeye toolmoon

 

  • Layskama tiraabee
  • Waxaa laga tagaa hadal
  • Intey taagantahay duni
  • Wax u dara dadwaynaha
  • Adna toogga aakhiro
  • Tacab kuu ah meel yaal
  • Tog jannaad ku geeyoo
  • Kaa jira tub naareed

 

  • Aniguna tolkaygow
  • Toosh baan u qaatoo
  • Maankayga tuujaye
  • Wixii taabba geli kara
  • Markaan tiriyo dabadeed
  • Waa la tuuray yay xigin

 

  • Qofka turunturroodoo
  • Ku dul dhacay turaabtow
  • Haf inaa tiraahdoo
  • Soo toosto mooyee
  • Inaa taallo ha aqbalin
  • Tow dheh oo horow bood
  • Ka tirtiro habaaskoo
  • Sii qaad tallaabada
  • Doqon baa is tuuree
  • Weligaa ha tabar dhigin

 

  • Waxaa jira dad tuhun iyo
  • Tilmaan beene haystee
  • Si kastoy u tiriyaan
  • Tafaasiil aad leedahay
  • Tabta adigu aad tahay
  • Iyo tey maleeyaan
  • Teed bow dhexeeyee
  • Adoon tooda qaaddicin
  • Oo aan tannaagoon
  • Waxaad taabka gelisaa
  • Inaa tahay qofkaa tahay

 

  • Maahmaah horaa tiri
  • Bugto aad la taahdiyo
  • Baahi aad la taal
  • Tuugmadaada badan bay
  • Dadku kaaga tegayaan
  • Ee haysku tolin ruux
  • Had uu kuu dhan togi karay
  • Tiraabtiisa kaa xiray
  • Taajir wayne mooyee
  • Shaqsi aan wax tari karin
  • Abid how tawaawicin

 

  • Dadka taad malaysiyo
  • Ha u qabin tabtaadoo
  • Maryo tolan dugaag xiran
  • Howgu tegin godkoodii

 

  • Qof turjuma xmaatada
  • Una taagan ceebayn
  • Taageero how noqon
  • Hana oran tol baan nahay

 

  • Arrin kula ah toos baa
  • Tuur la leh dhiggaagee
  • Ha ku riixin taadee
  • Ku tix geli afkaaraha

 

  • Naxariis qof kugu tebay
  • Oo turriina kaa filay
  • Tabantaabo mooyee
  • Ha ku falin wax tacaddiya

 

  • Tigta sare qof kula jecel
  • Towstaada ruux neceb
  • Kaa jira tumaatida
  • Illintaada ruux tiray
  • Ha la simin qof kaa tegay
  • Toog keli ah khalad dhacay
  • Howga tegin qof kugu wayn

 

  • Tixda waxaan ku xirayaa
  • Tashadiyo tabcade iyo
  • Toshe iyo tashiishaa
  • Taajiray adduunkee
  • Ruux doortay tuugnimo
  • Kama taago daaree
  • Waa ku towbad seegaa

 

  • Tiisa nimaan kafaynoo
  • Tu kaleeto laalow
  • Intey goori goor tahay
  • Taada hayska daayicin

Abwaan Calinuur Shiine

Want to keep up with our blog?

Get our most valuable tips right inside your inbox, once per month!

Related Posts