- Haddii aan fa`ley gabay tirshoo soo furfuro maanta
- Oon fiirsho iimaha jiroon faalla dheer bixiyo
- Inaad faaqiddaan baan rabaa ood fassirattaane
- Facood qoon ka haray baa u daran duul dhamoo fidaye
- Cirka jaranjar fuusheey qalqigu faraha saareene
- Fiinta sare kuwii tegayna waa farax ciyaaraane
- Asaaggeen dayaxa buu filliyo fooq ku leeyahay
- Doqon fahan la` mooyyiye ma harin ruux fariid ihiye
- Fadhigiyo ka kaca jiifka baas horumar waa faane
- Fanka lumay fidnada taagan iyo faasuqiyo iinta
- Xubno faydka been faafintiyo belo ku faafaanka
- Anaa faxan anaa fiicantiyo faaqda iyo beenta
- Waxaan jaahil falin baad fasheen kuna fogaateene
- Waxaan filayay khayr faafin iyo fiiro dheernimoe
- Waxaan filayay fogaan aragnimiyo xeelad fara wayne
- Waxaan filayay suugaan fac wayn fahan ogaanteede
- Waxaan filayay falal suubban oo uunku faajaco e
- Hayeeshee waxaad fiirsatiin fiidiyow tegaye
- Fadhigiyo kakaca jiifkan baas horumar waa faane
- Fadhi nimaan ka kicihayn fardiyo geel ma foofsado e
- Intaanfooto iga qaadda iyo filin ku sii jeednay
- Meel fog buu asaaggeen tegoo filashadiis gaarye
- Bar baa fayla suuf ah oo ra`yiga fiican soo qora e
- Bar baar felagga meeriyo dayaxa faaliyoo tegaye
- Fadhigiyo ka kaca jiifkan baas horumar waa faane.
Abwaan Calinuur Shiine.