MAQAAL Dhowr iyo labaatanka gu’ ee aan jiro waxa aan waayo-joog u ahaa wejiyo nololeed oo kala jaad ah, labadeyda waxa aan saaray lugataydana kula kulmay: Colaad tii ugu xumayd, dhac, boob, dil iyo daanno, ummolo-doox iyo aano hariwaysay, qof dhintay iyo mid dhaawacmay, xaq la is duudsiyo, tacaddi joogto ah, tumashaan xad lahayn, baas iyo baroor diiq, aabar daran, jahli dam ah, qabiilnimo caadifadaysan, caro gadhoodhay, huq iyo hadimo, geeri badatay, hooyo gablantay, geesi jiitay, gef iyo xumaan, iyo wixii la hal maala.
Taa cagsigeeda: dhaayahaygu ma ahayn kaliya xumaan u-joog ee waxa aan sidoo kale hadba daan u eegay: ummad nabdoon, reero negi, roob iyo rays, gu’ aarmay, geedo doog bixiyay, cood dhalaya yo caano la dhamayo, galal xareeda iyo geel ka cabbaya, dalag soo go’ay iyo gaajo dalaawday, bashbash iyo barwaaqo, guur-doona carcara iyo gashaantimo loo haasaawe tago, oday qoys iyo marwo u qalanta, gacal shira, guddi talisa, guurti beeleed, gabyaa af-maal ah, ubad soo koraya iyo rajo aayo nololeed oo sii kobcaysa.
Samanteed iyo xumaanteedba nolosha, waxaa masuul ka ah aadanaha, maxa wacay, Allaha wayni waxa uu na siiyay garasho aan ku kala soocno waxa khaldan iyo waxa saxsan.
Yaanan war kugu daalinine, waxa aan intaa u araranayaa arrin muhiimaddiisa wata.
Waxaa jira eray ka baaxad wayn fahanka laga haysto, kaa oo ah “XUSHMADDA”.
Haddi uu aadanuhu is xurmayn waayo waxaa gamashiyi doona hab-sami u socodka nololeed ee umadda.
Sida aan anigu qabo labada eray ee xurmo iyo garasho waa isku micno markii dhan laga eego.
Haddii uu qofba qofka kale u garto waxa uu mudanyahay waxaa la iska xaadirin doonaa figta sare ee buurta dheere guusha, waxaana sahal lagu kori doonaa sallaanka ama jaranjarada aadanuhu cagta wada saareen, ee loo wada dhididayo gaaritaankeeda waa inta ay ka go’antahaye.
Soomaalidu waxa ay leedahay dhaqan aad u adkaynaya xurmada ama garashada in qof ba waxa uu mudanyahay lagu xurmeeyo iyadoo loo eegayo mid waliba kaalinta uu bulshada kaga jiro muhiimad ahaanshaheeda.
Tusaale ahaan: in qofba qofka uu ka waynyahay uu kurisga uga kaco, hadal ka maqlo, qabashadiisa leeyahay, salaanta kalgacalka xanbaarsan iyo waxyaabo oo la halmaala oo aan halkan lagu soo koobi karin.
Diintu si wayn ayay uga hadashay xurmada, waalidiintu waa shaqsiyaadka ugu mudan xushmaynta, Alle(Sw) wax auu leeyahay xitaa yaan hadal laga dabo celin, hana ku oranina hadal kulul oo qalbigooda xumaan geli kara waalidiintiinna.
Dadka aan xurmayn waalidiinta waxay gelayaan baa la yiraa Cadaabta.
Kaliya ma aha waalidiinta waxa in darajadooda loo garto oo la xurmeeyo u baahan ee waa umaddoo dhan, askarigu waxa uu rabaa xurmayn si u sugo ammaankaaga, madaxdu waxa ay rabaan xurmayn si ay u dejiyaan ugana fikiraan hannaanka siyaasadeed ee dalka, abwaannadu waxa ay u baahanyihiin in la xurmeeyo si ay suugaan bulshada lagu hago u soo saaraan, qoraayaashu waxa ay u baahanyihiin in ka xurmeeyo si ay u qoraan buugaag kobcisa garaadka dadkooda, culimadu waxa ay u baahanyihiin xurmayn si ay bulshada dariiqa hanuunka ugu hagaan. Cidkastaana sidaas ayay ugu baahantahay.
Waayadan danbe waxa aad arkaysaa dhallinyaro aan xurmayn yar iyo waynkaygooda.
Dhallinyaradu ma illawsanyihiin garashada habboon ee laga doonayo, dhallinyaradu ma illawsanyihiin in qofba qofka ka wayn ixtiraamo, dhallinyaradu ma illawsanyihiin in waddada horumarku ay tahay fahanka dhaqankaaga iyo ka mira dhalinta dedaalkaaga, dhallinyaradu ma illawsanyihiin in dhaqammada islaameed ay daaqadda ka saarayaan kooda wanaagsan, dhallinyaradu ma illawsayihiin maahmaahda ah “dhar aadan lahayn kuma dhaxan tiro”.
Dhallinyarada waxaa looga baahanyahay in ay kobciyaan aqoontooda Islaamka si ay u fahmaan guud ahaan noloshooda, maxaa wacay, marka aad garanayso halka lagaa sugayo waxa aad ogaan kartaa sida aad ku gaari karto.
Waxba yaanan ku tiigaalin tiraab hadaleedkayga e,
“Hoorri liita iyo
Hacooy aan wax garan
Howraar iyo murtiyo
Hadal aad tiraa
Halna uma tarteee
Dadkaan la hadlayow
Mayla haysataan”?!!!
XURMIYO GARASHAA XABAALAN|maqaal| Calinuur Shiine.