Beri baa waxaa la yiri “waxaa wada jabhadeyn jiray koox rah ah ama Rako ah. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa iyaga oo bood-boodaya meel sabo ceel ah waxa ay arkeen seddex rah oo kale oo ceel gorof ah ku jira iskuna deyaya in ay bannaanka u soo baxaan si ay naftooda u badbaadiyaan maadaama uu ceelku gorof yahay.
Seddexdoodu waxa ay isku deyayaan in ay bannaanka yimaadaan, hadba marka ay afka u soo dhawyihiin ayaan gadaal gadaal ugu noqdaan ceelka.
Markaasey waxa ay ku yiraahdeen suura gal maaha in aaad dibadda timaadaan ee is dhiiba waxba hays dhibinnina e. Rakihii ama Rahdii labo ka mid ah ayaaa iss dhiibay oo gadaal ugu laabtay ceelkii gorofka ahaa. Mid ka mid ah ayaa si kastaba aan is dhiibin oo u dhididay sidii uu ifka ugu soo bixi lahaa, mar ay qorraxdu sii birinbirqeyneyso ayuu bannaanka yimid waxaasse la yaaabay Rahii kale ee maantoo dhan dul joogay inta uu rafaadayay.
Laakiin, markii ay wareysta maageen ayay ogaadeen in Rahu dhega la`yahay oo uusan waxba maqli Karin, taaasina ay aheyd sababta ka danbeysay in uu bannaanka yimaad, halka kuwo kale ay ku niyad jabeen hadalkii ahaa “ma soo bixi kareysaaan ee is dhiiba”.
Sheekadan waxa aan ka faa`ideynaa in hadallada qaar aysan mudneyn wax la dhegeysto oo ay jiraan dad ku niyad jebinaya. Lana doonayo in aad sidii wax dhega la` u aammusto waddada guushana aad sidaa ugu taagnaato.