Gabay Hooyada uurka leh ku saabsan (Uurrey) Abwaan Shiine

Table of Contents

gabaygaan wuxuu ka hadlayaa hooyada uurka leh iyo waxyaabaha looga baahanyahay.

  1. Afo iyo marwadii reer leh oo, weliba uurrey ah
  2. Wax aan oran lahaa baa jiriyo, erayo waawayne
  3. Ahlan dhaha tix aan soo unkaan, eegga furayaaye

 

  1. Si aan ubadka kiinood dhasheen, cudur u aafaynin
  2. Aqoontiyo waxaa aragtideey, ila habboonaatay
  3. In intaysan awalkeeda hore, gabadhu uuraysan
  4. Adeeg caafimaad oo il-tiran, loo abaabulo e
  5. Oo si aad ah iyo weliba aad, loo agaasimo e

 

  1. Ammintiyo waqtiga uurku waa, lama illaawaane
  2. Hooyada wax lagu aamminaay, eego danahaaga
  3. Isbitaal inaad booqatiyo, goob adeeg wacan le
  4. Ood Emsii Ejyada gaarto waa, kuu ekoontahaye
  5. Il sideedi baa ubadka yaal, ubuc la dhowraaye
  6. Kaniinigii kastood aragto iyo, quudka idilkiisa
  7. Afka lalama aadoo dib bay, eel ka dhaliyaane
  8. Ilmaheey wax yeellaynayaan, saan ogsoonnahaye
  9. Ha il-duufin oo Oori noqo, sharaf le loo aayo

 

  1. Anfacada intii dheef leh iyo, oonka waxa reeba
  2. Allayl iyo aroor noolba waa33, lagu aqdaamtaaye
  3. Adigoon intaa iyo intaa, kala illaawaynin
  4. Isbitaal inaad booqatiyo, goob adeeg wacan le
  5. Ood Emsii Ejyada gaarto waa, kuu ekoontahaye
  6. Ha il-duufin oo Oori noqo, sharaf le loo aayo
  7. cudurro dhaliyaa jiroo, jara arwaaxdaaye
  8. Aqoon bay rabtaa iyo tartiib, aan il-duuf jirine
  9. Adayg kama dhigee jeer hadduu, Eebbe kala keeno
  10. Canuggoo abaydina haddaad, ooyintiis maqasho
  11. Afkoo naaska loogugu duwuu, ku istiraaxaaye

 

  1. Aammus iyo markaasuu karaa, aayar meel hurude
  2. Adigoon intaa iyo intaa, kala illaawaynin
  3. Isbitaal inaad booqatiyo, goob adeeg wacan le
  4. Ood Emsii Ejyada gaarto waa,kuu ekoontahaye
  5. Ha il-duufin oo Oori noqo, sharaf le loo aayo

Abwaan Calinuur Shiine gabay 2020

Want to keep up with our blog?

Get our most valuable tips right inside your inbox, once per month!

Related Posts