gabay jacayl Abwaan Shiine

Table of Contents

Gabaygan waxa uu soo baxay 2020-kii. Waa gabay jaceyl ah balse qofkii akhriyaa inuu si kale u fahmo ayaa laga yaabaa. Gabayga dhexdiisa waxaa ku jira dhowr hummaagood oo si cajiib ah u muujinaya in jaceylkaan qofku uu hayaa uu yahay qof ku sugan. Tusaale, bal malee adoo gacan ka naafo ah oo meel geel ku haya isla markaana habeen oo madow inta isku duway u arooriyay ceel aan dhaweyn oo markuu waagu beryay dul geeyay ceelkii uu ka shubi lahaa. Marka uu xaal halkaas joogo geela waxaa shubi kara ninkii laba gacmoodin kara oo calaashaan labo gacmood leh balse qof mid ka mid ah ka naafo ah ma awoodo inuu geel shubo. Qofka nuucaadii uu gacan iyo garab qabad waayo xanuun ceynkee ah ayuu dareemayaa? Xanuunka uu dareemayo mid la mid ayuu sheeganayaa curiyaha gabaygani.

  1. Waxaan ahay nimuu oon gubay, oo webi ku gees yaale
  2. Waxaan ahay gasiin ruux cuno, gaajo wayn qaba e
  3. Waxaan ahay nimaan guran karayn, miraha geedkaase
  4. Waxaan ahay nimuu galay jacayl, oon geyaan heline

 

  1. Gacan adoo ka naafo ah hadduu, galo kalkii geelu
  2. Gurran iyo galoofkiis haddaad, meel isugu geyso
  3. Gudcur maararowlaa haddaad, guure ugu jiiddo
  4. Giddigii habeenkaas waxaad, gama`a diiddaa ba
  5. Waxaad heeso kala gaara iyo, gabay u qaaddaa ba
  6. Gudguduudka oogtiyo markuu, galac yiraa waagu
  7. Ka gadaal haddaad ceel biyo leh, gaadho sabadiisa
  8. Nimaan laba gacmoodini ma shubo, geel la soo horaye
  9. Haddii aadan wadaan gelin karayn, garabna aad weyso
  10. Ciil kugu garooriyo illeen, gocosho dayn maysid

 

  1. Aniguna geddii baan ahee, geliya maankiinna
  2. Halkaan gaar islaa baan al`aan, gacan togaalaaye
  3. Allow ii gargaar waadigii, gacanta waynaaye

 

  1. Xilli gab ah cirkoo guray dhulkoo, geed ka bixi waayay
  2. Oo xoolaha wixii gees lahaa, malaggu uu gaabshay
  3. Gugii loo hamuun qabay muddee, Guulle laga tuugay
  4. Haddii uu ka aarmoo galbeed, galabta loo jeedo
  5. Gurgurshaa ninkii aan lahayn, gurada loo buuxsho
  6. Oo awr uu ku guuriyo haddana, garab la siin waayo
  7. Illeen gama`a uu diido iyo, gocosho deyn maayo

 

  1. Aniguna geddii baan ahee, geliya maankiinna
  2. Halkaan gaar islaa baan al`aan, gacan togaalaaye
  3. Allow ii gargaar waadigii, gacanta waynaaye

 

  1. Wuxuu malabku kuu galo ayaad, gebi taqaanniine
  2. Shinnidii gobta ahayd haddey, meel isugu geyso
  3. Gaaggurkiyo godkeedii markaad., adigu soo gaarto
  4. Haddaad gudin la`aan noqoto eed, goosan kari wayso
  5. Ciil kugu garooriyo illeen, gama` dayn maysid

 

  1. Aniguna geddii baan ahee.Geliya maankiinna
  2. Halkaan gaar islaa baan al`aan.Gacan togaalaaye
  3. Allow ii gargaar waadigii. Gacanta weynaaye

gabaygaan waxaa tiriyay Abwaan Calinuur Shiine

Want to keep up with our blog?

Get our most valuable tips right inside your inbox, once per month!

Related Posts