gabay Jowhar qarameed

Table of Contents

Gabaygii jowhar qarameed. Abwaan Carays Urur

  1. Indhaweyd ba jiinleyda gabay, jaanis uma heyne
  2. Ma jalleecin maansooyinkii, jeedalka ahaaye
  3. Wax I jiitay mooyiye beryahan waa ka jiifsadaye
  4. Mar unbaan se jilibka u dhigaa jiibta maansada e
  5. Aan jaheeyo maantoo kalaan, kaga jalbeebtaaye

 

  1. Inkastooy xornimo jiidatoon, johoraddeed weyney
  2. Jaranjaro qabiil iyo midnimo, waaba kala jaade
  3. Dadkayaga jirraa maagtay iyo juuc qabyaaladahe
  4. Jaafaajugtii beelihiyo jimirric mooyaane
  5. Jawi nabada iyo dowladnimo, looma jeel qabo e
  6. Hayeeshee jabkaa ina heliyo jilicsanaanteenna
  7. Jugta inagu raagtiyo sidaan ula janjeerownay
  8. Markii aan jalleeca ba qalbigu wey jirranayaaye

 

  1. Jilka dhexe habeenkii intaan jiifka qaban waayay
  2. Jaljalleecsi dabadii intaan jimicsadoo toosay
  3. Jirdihiyo anoon buurta iyo garanaheyn jeexa
  4. Jidka iyo anoon kala aqoon jireyga soo oodan
  5. Jiqda keynta ooddiyo waxaan dhiraha jiiraa ba
  6. Jirraq halisa jow-dheer wax muda jeerin iyo qeydar
  7. Jinow xagad leh joofal iyo qurac jiica ganahiisa
  8. Jabadkiyo galloollada waxaan jaanta mariyaa ba
  9. Jeenigiyo lowgiyo waxaan jilibka saaraa ba
  10. Waxey “jowdu” yeedhee madfacu igu jibaadaa ba
  11. Waxaan “jaw” iraahdee xanaaq jiriricooddaa ba
  12. Carada igu jeefalan waxey igu jaguugtaa ba

 

  1. Waxaan jiifka diidoy hurdadu iga jarnaataa ba
  2. Waxaan jiibta iyo maansada iyo gabay jumleeyaaba
  3. Waxaan jalaladoo leylka dhexe jaarka kiciyaaba
  4. Jannaraallo beenihi waxey jagada raadshaan ba
  5. Hadba jeebka kii buuxsadaa wuxuu ka jeestaa ba
  6. Hadba jaad nin loo gaday wuxuu naga jileystaaa ba
  7. Jaajuus wuxuu nagu noqdoo jaqanti beeraa ba
  8. Jillaafa wuxuu noo gogloo naga “jag” siiyaa ba
  9. Jidka nabadda loo maro wuxuu jebis ku gooyaa ba
  10. Wuxuu jirarka roobkiyo nimcada naga jawaafaa ba
  11. Dhul abaar la jawraray wuxuu nagu jiheeyee ba
  12. Ka jindhade wanaaggii xuma na jaanta loo geliye

 

  1. Iyagaa jawaafane mar baa jaanis soo maraye
  2. Qarankaa la jiidjiidayee lagu jibaadaayo
  3. Wixii jahasho loo maray haddaaan jiinka ku caddeeyo
  4. Wuxuu cadowgu jiiddeenna iyo guriga jiifaa ba
  5. Wuxuu jelemad shaahiyo falaas nala dul joogaa ba
  6. Afka wuxuu janjeershoo sigaar nagu dul jiidaa ba
  7. Jeesjees warmaha jeen wuxuu nagu juqeeyaa ba
  8. Jirka wuxuu amley iyo rasaas nagaga jeexaa ba
  9. Wuxuu nagu jageeyoo xargaha nagu jafaalshaa ba
  10. Sida geenya jeedalan waxaan jaraha yeelnaa ba
  11. Joodari sidiisii wuxuu nagu dul jiifaa ba
  12. Jactad oogadeenna ah waxaan jilicsanaannaa ba

 

  1. Jarmaadada aroortii waxaan taagsi jirinnaa ba
  2. Waxaan jaanta saantiyo kabtiyo jaqafta dhowrnaa ba
  3. Juubaha qabowga ah waxaan jiriricoonnaa ba
  4. Nimankii sidaas noo jir dilay nana jujuubaayay
  5. Mar unbey jihaadkii la galay “jagac” yoiraahdeene
  6. Mar umbey jabeen oo wadnaha looga joogsadaye

 

  1. Waxey naga jaqeen iyo waxey naga jireysteen ba
  2. Mar unbey jiseyntii heleen lagana jaaseyne
  3. Hayeeshee jabkii soo ceshade jeerki dabadeede
  4. Haddun bey na jeeqaaqayaan jeega uusyaduye
  5. Jirrab iyo waxey nala rabaan jowrarkii shalaye
  6. Jidka nimanka soo galay haddaan “jooga” dhihi weynay
  7. Jabadkeenna gaalada haddaan “joog” ka dhihi weyno
  8. Haddaan jixinjix laawaha na helay daanka jebin weyno
  9. Jilbiskiyo abeesada hadddan jaanta mari weyno
  10. Jirjirroolayaashiyo haddaan jeerta dili weyno
  11. Soomaali waa kala jabtoo jowr-fal baa dhacaye

 

  1. Jiilkeenna soo kacay haddaan jees ka dhigi weyno
  2. Wallee jiif danbeetiyo wanaag nooma sii jiro e
  3. Jirjirkaa Carbeed iyo ilaa Jeynihiyo ruushka
  4. Jarmalkiyo Mareykaanka iyo jiliflihii Keenya
  5. Haddun bey su`aal jaban jawaab nooga sugayaane
  6. Haddaan jaanis lama beylahshee “jooga” dhihi weyno
  7. Wallee jiif danbeetiyo wanaag nooma sii jiro e
  8. Jirjirkii Hargeysiyo intii Xamar ka soo jeedda

 

  1. Jabuuti iyo Jigjiga iyo ilaa jabaddadaa koofur
  2. Haddaan leysku soo jebin haddaan la isu soo jiidin
  3. Oo aan lagu jameeceyn xornimo jilibka loo aasay
  4. Oo aan shantoo wada jirtaa meel u wada jeedsan
  5. Wallee jiif danbeetiyo wanaag nooma sii jiro e

 

  1. Waxba se gabay yuu ila jabsane waxaan ku soo joojay
  2. Jaceylkaa kursiga loo qabiyo xiisihiyo jeelka
  3. Janneraal ku-sheeggiyo haddii jagada loo waashay
  4. Oo aan cidu na jeedaalineyn jilicsanaanteenna
  5. Hadba jaad ninkii loo gadaa heygu joogasado e
  6. Jajab kii helaayaba markaas heysi soo jaro e
  7. Soddon jeeblayaashiyo musuqu ha is jibaaxeene
  8. Ha jaqeen ha jiiteen bulshada hana jillaabteene
  9. Jahaad ruuxi muujana si fudud “joog” ha loo dhaho e

 

  1. Inta ay jilkaa tahay anuu jabay hankeygiiye
  2. Jabaqdaan maqlaayaana wey ila janjeertaaye
  3. Jiheeyaha wareersani cidluu jaah noo suraye
  4. Jawi faraxle laga quusay iyo jowhar qarameede
  5. Jarkaan laga dhacaayo iyo haddaan jiirta laga leexan
  6. Oo aan jihada loo socdaa jirinaheyn kheyrka
  7. Jid kastoon mareynaa hadduu jaam ka bixi waayo
  8. “jabayeey-da” mooyee haddey nabadi jaan-guurto
  9. Had kastoo la jooga ba haddii leysu jixinaayo
  10. Dhegnaan “jalaq” naloo siin markaan jiibta marineyno
  11. Iska jiho murtina jeedi iyo jeleled mooyaane
  12. Afkoon juuqda gebin iyo anoon leyga jarin ruuxda
  13. Marna gabay inaan joojiyaa jiinka kuma taale. (Cabdinaafac Urur)

Want to keep up with our blog?

Get our most valuable tips right inside your inbox, once per month!

Related Posts

gabay Jowhar qarameed

Gabaygii jowhar qarameed. Abwaan Carays Urur Indhaweyd ba jiinleyda gabay, jaanis uma heyne Ma jalleecin maansooyinkii, jeedalka ahaaye Wax I jiitay mooyiye beryahan waa ka

Read More »