Abwaan Calinuur Shiine wuxuu gabaygaan tiriyay markii uu dalka ka tegay 2024. Mar uu waraysi bixinaayay wuxuu sheegay in uu dalka uga tegay sababo amni darro awgeed.
Wuxuu sheegay inuu gabaygaan xog farabadan oo aan dadku ogayn uu uga hadlay. Sida ka muuqatana waa sax.
War Deelley shinkeed galay ayaan soo dallacayaaye
xaaladaha is wada diiddan baan diirad ku hayaaye
Gabaygaan diraayaana waa daniyo caalwaaye
Dhulkii la igu daadihiyayow kaa daqaaqumaye
Inaan kaa dawaafiyo ma rabin inaan dalaabaaye
Hayeeshee duruufiyo waqtigu waa is daba jooge
Dalkaygow waxaan kaaga tegay daniyo caal waaye
Xogo kaa dahsoon baan intaa kuugu darayaaye
Gogol diirran aqal daahya liyo uunsi laga daaray
Iyo anoo digrii haysta oo darajo wayn gaaray
Anigoo mukayf daaran iyo helaya meel diirran
Waxa aan ka door biday anoo ciidda daafacae
Dalka hooyadiiis iyo waxaan xamar u diidaayay
Degmadii qaboobayd waxaan ugaga soo duulay
Marwo dowlo iyo caaishoo eebbe igu deeqay
Iyo waxaan dadkaygii barkood ugaga soo doolay
Dabuub iyo waxaan maanso iyo gabay u duubaayay
Dalka iyo dadkaygoo xornimo daaqa waligoode
Duurka iyo waxaan kaymahaa ugu dul noolaaday
Anigoon dacaam cinin wuxuu aaska ii dumayay
Gudcur dama waxaan meel darbada derin la’aan jiifay
Walibana xagaayaha difqiyo iigu da’ay roobku
Dalka iyo dadkaygoo xornimo daaqa waligoode
Dadka oo salaad subax u kacay daainkana tuugay
Qaraxyada daryaamiyo wuxuu gumucu duulaayay
Wixii dheguhu ay igu demeen daqarkanow gaystay
Qaranqaarro soo dumahayiyo dhagaxya dowliila
Iyo waxaan difaacyada u galay waa dakano wayne
Inkastoon ilaahey dartiis ugu dedaalayay
Markii aan dagaallada dhiciyo dirir ka soo baagay
Dabka guriga oo kaa demaan daaqa loo heline
Degmadii cadaadiyo ilaa darafyadeedoo dhan
Duqii maamulaayiyo galmudug odayga loo dooray
Madax dowlad goboleed arkiyo duubab dhaqameede
Niman dabaqyo haystiyo u tegay daaro iyo fooqe
Si kastoon u doocdoociyoon oogu dana sheegtay
Intooduba waxay iga direen duhu dhararaareede
Dadkaygii abwaaniinta waa sii dafirayaane
Misna doorka ay leeyihiin maba dareemaapqpne
Muussiggiyo durbaannada dhacaa laga dambeeyaye
Falaasha bay u daaraan akhyaar doora oo timide
Markaasey sidii duul jin iyo dumar u dheelaane
Abwaan Calinuur Shiine.
Dhuuxa.com