Gabaygii Farriin Shacab- Abwaan Shiine. 2019

Table of Contents

  1. Haddii aan fa`ley gabay tirshoo soo furfuro maanta
  2. Oon fiirsho iimaha jiroon faalla dheer bixiyo
  3. Inaad faaqiddaan baan rabaa ood fassirattaane
  4. Facood qoon ka haray baa u daran duul dhamoo fidaye
  5. Cirka jaranjar fuusheey qalqigu faraha saareene
  6. Fiinta sare kuwii tegayna waa farax ciyaaraane
  7. Asaaggeen dayaxa buu filliyo fooq ku leeyahay
  8. Doqon fahan la` mooyyiye ma harin ruux fariid ihiye
  9. Fadhigiyo ka kaca jiifka baas horumar waa faane

 

  1. Fanka lumay fidnada taagan iyo faasuqiyo iinta
  2. Xubno faydka been faafintiyo belo ku faafaanka
  3. Anaa faxan anaa fiicantiyo faaqda iyo beenta
  4. Waxaan jaahil falin baad fasheen kuna fogaateene

 

  1. Waxaan filayay khayr faafin iyo fiiro dheernimoe
  2. Waxaan filayay fogaan aragnimiyo xeelad fara wayne
  3. Waxaan filayay suugaan fac wayn fahan ogaanteede
  4. Waxaan filayay falal suubban oo uunku faajaco e
  5. Hayeeshee waxaad fiirsatiin fiidiyow tegaye
  6. Fadhigiyo kakaca jiifkan baas horumar waa faane

 

  1. Fadhi nimaan ka kicihayn fardiyo geel ma foofsado e
  2. Intaanfooto iga qaadda iyo filin ku sii jeednay
  3. Meel fog buu asaaggeen tegoo filashadiis gaarye
  4. Bar baa fayla suuf ah oo ra`yiga fiican soo qora e
  5. Bar baar felagga meeriyo dayaxa faaliyoo tegaye
  6. Fadhigiyo ka kaca jiifkan baas horumar waa faane.

Abwaan Calinuur Shiine.

Want to keep up with our blog?

Get our most valuable tips right inside your inbox, once per month!

Related Posts