Waa shinbir ka mid dhiig-ku-noosha, waxa ay leedahay af adag oo foodda hore guduudan, korka waa qaxwi, hoosaastana waa ka jaalle. Waxa ay isu raacdaa koox-koox hal meela ayayna u wada duulaan waxna u wada taadsadaan, waa laga yaabaa in aad hal xabbo oo kaligeed ah aragto ama labo.
Waxa ay caan ku tahay in ay xoolaha raacdo oo ay shilinta, gafanaha iyo cayayaanka dulin ku noolka ah gurubsato. Lo’da ayay ku badantahay marka loo eego sida geela iyo ariga.
Xilliga jiilaalka ah ayay badanaa xoolaha raacdaa. Waxa ay u yeeshaa mararka qaar nabro uu dhiiggu ka hibitiqleeyo. Marka aad u soo dhawaato ayay duushaa waxaa kale oo ay leedahay cod yar uu iyada u gaar ah oo eg hab ah ” shilig, shilig, shilig”.
#MaOgayd.