Toolmoon (jiifto)
Maansadan la yiraa toolmoon waa waano iyo wax sheeg. Badanaa iyadaa is fureysa oo wax adag kuma jiraan malaheyga. Qeyb waliba gaarkeeda ayay micno gooni ah u faa`iideyneysaa.
- Tixahayga maansadu
- Waa u talo dadwaynaha
- Waa u tiir mid liicaya
- Waa u hiil mid tabar daran
- Waa hees mid toosaya
- Cudur iyo qof tows qaba
- Waa u daawo taamila
- Hibo weeye toolmoon
- Layskama tiraabee
- Waxaa laga tagaa hadal
- Intey taagantahay duni
- Wax u dara dadwaynaha
- Adna toogga aakhiro
- Tacab kuu ah meel yaal
- Tog jannaad ku geeyoo
- Kaa jira tub naareed
- Aniguna tolkaygow
- Toosh baan u qaatoo
- Maankayga tuujaye
- Wixii taabba geli kara
- Markaan tiriyo dabadeed
- Waa la tuuray yay xigin
- Qofka turunturroodoo
- Ku dul dhacay turaabtow
- Haf inaa tiraahdoo
- Soo toosto mooyee
- Inaa taallo ha aqbalin
- Tow dheh oo horow bood
- Ka tirtiro habaaskoo
- Sii qaad tallaabada
- Doqon baa is tuuree
- Weligaa ha tabar dhigin
- Waxaa jira dad tuhun iyo
- Tilmaan beene haystee
- Si kastoy u tiriyaan
- Tafaasiil aad leedahay
- Tabta adigu aad tahay
- Iyo tey maleeyaan
- Teed bow dhexeeyee
- Adoon tooda qaaddicin
- Oo aan tannaagoon
- Waxaad taabka gelisaa
- Inaa tahay qofkaa tahay
- Maahmaah horaa tiri
- Bugto aad la taahdiyo
- Baahi aad la taal
- Tuugmadaada badan bay
- Dadku kaaga tegayaan
- Ee haysku tolin ruux
- Had uu kuu dhan togi karay
- Tiraabtiisa kaa xiray
- Taajir wayne mooyee
- Shaqsi aan wax tari karin
- Abid how tawaawicin
- Dadka taad malaysiyo
- Ha u qabin tabtaadoo
- Maryo tolan dugaag xiran
- Howgu tegin godkoodii
- Qof turjuma xmaatada
- Una taagan ceebayn
- Taageero how noqon
- Hana oran tol baan nahay
- Arrin kula ah toos baa
- Tuur la leh dhiggaagee
- Ha ku riixin taadee
- Ku tix geli afkaaraha
- Naxariis qof kugu tebay
- Oo turriina kaa filay
- Tabantaabo mooyee
- Ha ku falin wax tacaddiya
- Tigta sare qof kula jecel
- Towstaada ruux neceb
- Kaa jira tumaatida
- Illintaada ruux tiray
- Ha la simin qof kaa tegay
- Toog keli ah khalad dhacay
- Howga tegin qof kugu wayn
- Tixda waxaan ku xirayaa
- Tashadiyo tabcade iyo
- Toshe iyo tashiishaa
- Taajiray adduunkee
- Ruux doortay tuugnimo
- Kama taago daaree
- Waa ku towbad seegaa
- Tiisa nimaan kafaynoo
- Tu kaleeto laalow
- Intey goori goor tahay
- Taada hayska daayicin
Abwaan Calinuur Shiine