Sidee Youtuber loo noqdaa?

Table of Contents

            SIDA YOUTUBER LOO NOQDO

Dhallinyaro fara badan ayaa doonaya in ay baraha bulshada lacag ka sameeyaan. Sidaas darteed waxaa lagama maarmaam ah in  aan wax isla qodobayno si aan u fahamno waddada ugu saxsan ee lagu gaari karo hadafka Youtubernimada.

 

Waxaa jira xirfado lagama maarmaan ah oo qofka laga doonayo inuu lahaado waxaana ka mid ah.

 

1. Editing. Farsamadaan muuqaallo jarjaridda ah caadi maaha. Qofku isagu toos ha u soo fariisto ama daaha gadaashiisa wax ha ka soo tebiyee in uu muuqaal samaynta wax uun ka yaqaanno waa qasab. Haddaba waxaa jira Apps ama applications muhiim ah oo ay ugu horreeyaan Cupcut iyo Inshot oo la adeegsado.

 

Waxaba ha ka walwalin barashadooda, qof kasta ayaa youtube ku soo baahiya, kaliya waxa aad ku qoraysaa “sida muuqaal loogu sameeyo Cupcut ama Inshot”.

 

2. Fikrad: qofka raba in uu soo saaro wax bulsho ku caqli ah ama ka sarraysaa ku qanci karto waa inuu la yimaadaa fikrad aan caadi ahayn sidoo kale na uu joogteeyo. Fikradaha waxaa ka mid ah mowduuca aad ku fiicantahay in aad ogaato.

 

Maxaa wacay dadku wax ay kugu bartaan oo ay macaamiil kuugu noqdaan ayay rabaan. Adiga laftirkaaga wax aad jeceshahay oo aadan ku caajisayn marka aad samaynayso in aad soo gudbiso ayaa kuu fiican.

 

3. Qalab: qodobkaani waa midka dhallinyaro farabadan niyad jebiyay. Sababtu waxa ay tahay marka ay muuqaal duubis maqlaan waxaa ku soo dhacaya camera, computer, miis, xafiis gaar ah, iyo layrar fara badan.

 

Laakiin xaqiiqdu sidaas maaha. Camera waxaa kuu ah moobilkaaga nuuca uu doono ha ahaado isaga aamin oo xitaa snapchat kiisa wax ku duub. (Adi wax lee samee) Computer waaba ka maarmaysaa isaga. Miis iska illow kaas looma baahna.

 

Xafiis waxaa kuu ah inta dhabarkaaga bes ka gadaalaysa intaasna ma aadan qurxin wayn , haddaad doonto daah gadaal ku dhegso.

 

Layrar bes ayaa muhiim ah isna haddii hal layr Tiktok aad haysato kugu filan. Haddii aad camera iyo computer heli kartana laandheere waa adiga.

 

4. Page ama youtube: labadu ba dhib malaha. Mar haddii aad gmail leedahay youtube-na waa leedahay oo isaga ayaa laga dhex sameeyaa, sidoo kale pageka waxaa laga dhex sameeyaa  profile-kaaga caadiga ah.

 

Inuu kala kaco ha ka fekerin ee ka feker in uusan muuqaallo la’aan noqon. Haddii maalin kasta aad muuqaal soo geliso follow-da iyo subscribe-tu waa iska diyaar.

 

Waxaan u dambaysiinayaa taladayda; ogoow mar kasta oo aad soo gudbiso wax tayo leh waa mar kasta oo aad taageero yeelanayso.

 

Mudane ama marwo haddii aad halkaan soo gaartay waxaan kaa codsanayaa in aad mar walba soo booqato Website-kayga Dhuuxa.com oo aad qoraallada yaalla akhrisato. Sidoo kale buugta website-kaan saaran ee aan qoray waa iga iibsan kartaa adigoo igala soo xiriiraya whatspka hoos ka muuqda.  Mahadsanid.

Want to keep up with our blog?

Get our most valuable tips right inside your inbox, once per month!

Related Posts

gabay Jowhar qarameed

Gabaygii jowhar qarameed. Abwaan Carays Urur Indhaweyd ba jiinleyda gabay, jaanis uma heyne Ma jalleecin maansooyinkii, jeedalka ahaaye Wax I jiitay mooyiye beryahan waa ka

Read More »