Taariikhda iyo gabayada Maxamed Cali Cad. boqol jir dhaxal reebay.

Table of Contents

 

Maxamed Cali  Xasan Jimcaale ( Cali Cad) wuxuu ahaa oday waayo-joog ah, sidoo kale na reer Mudug ah. Si gaar ah wuxuu ka soo jeedaa magaalada Caad ee koofurta gobolka Mudug oo Xarardheere hoos tagta. Dhalashadiisu waxa ay ku aaddantahay dabayaaqadii sanadkii 1920aadkii.  Marka aan ku leeyahay waa waayo-joog waxa aan ula jeedaa hadda oo uu shayb dhul dhacay yahay boqolka sano waxba ugama harsana.

Maxamed Cali Cad waa aftahan abwaan ah iyo nabadoon shirka lagu wada hadlayo aan looga maarmin, inkasta oo uu hadda  dhul dhacay. Waxaa laga hayaa suugaan afarrey u badan oo xilliyo kala duwan uu wax ku hoga tusaaleeyay si uu dadka uu la noolaa wax ugu sheego. Sidoo kale waxaa llaga hayaa maahmaaho sida la rumaysanyahay isaga laga qoray iyo murti Ilaahey ku mannaystay.

Bal suugaan afarrey goosgoos ah aan idinla wadaago.

 

  • Hadal wuxuu dan leeyahay, hadday, labo ku dooddaaye
  • Wuxuu damac se leeyahay markii, lagu dawoobaaye
  • Wuxuu kaa dulloobaa hadduu, dibadda aadaaye

Waxa uu markaan ula jeedaa micnaha iyo murtida ku jirta in la wada hadlo. Hadalku waxa uu faa`iido leeyahay marka labo ku doodayso si ay wax isula gorfeeyaan sidoo kale waxa uu damac iyo rajo leeyahay marka hadalkaas lagu dawoobo wuxuuse dulloobaa oo uu xumaadaa haddii wixii lagu wada hadlayay dibadda u baxaan oo arrintii iyo dooddii dibadda timaad. Waxaa kale oo aan ka fahmaynaa hadal oo dhan in labo qof ay wadaagaan in ay fiicantahay. Xitaa haddii shir iyo sheeko lagu jiro. Hadalku haddii uu noqdo mid dhowr iyo toban qofood u dhexeeya in aan murti fara badan ka soo bixin ayay u badantahay.

 

Halkaan waxa aan ku hayaa afarrey kale oo cajiib ah oo ku saabsan xeerka sheekada.

 

  • Shataxlaha wadaad kabuhu waa, shay cag loo tolaye
  • Shir haddii la tago gabaygu waa, shabako waayaale
  • Inta haatan sheekada taqaan, yaa na sharaf dhaama?

Waxa aan la yaabay xeel dheerida erayadaan ku jira. Waxa uu abwaanku leeyahay “shir haddii la tago gabaygu waa waxa ay waayeelku wadaagaan ee dadka madasha isugu yimid tolow hadda yaa noogu sheeko fiican oo ragga wax la wadaagi kara”. Waxaa halkaa ku jira xigmad ku tusinaysa in aysan wanaagsanayn in qof kastaa sheekeeyo. Waxaa waagii hore sheekayn jiray qofka marka uu sheekaynayo gabay, maahmaah iyo murti sheekadiisa ku lari kara. Haddii qofku iska sheekeeyo daldalan iyo maalaayacni ayuu hadalkiisu u badan karaa, sidaas darteed baa la dhagaysan jiray qofka xigmad laga faa`iidi karo. Tan kale waxa uu muujinayaa in gabaygu yahay sheekada ragga waawayn.

Qaybtaan waxaa ka muuqata waano iyo wax sheeg. Bal aan si yar oo xeeldheer isula dhuuxno.

 

  • Wax dhan baa adduun lagu qarribay, qaab aan bannaanayne
  • Oo qoorya xero laawaayaal, qoof ka taliyeene
  • Qallaa nalaga jaasaynayaa, ee nalama qiileene
  • Qof qatooyo loo qoray ma jiro, qado la`aaneede
  • Iimaanka layskama qubee, quruxso laabtaada.

 

Markii uu in badan dunida ku noolaa ayuu la yaabay abwaanku dhibaatada adduunka gaar ahaan tan Soomaalida, ayna ugu wacantahay qaladaad ay gaysteen. Sidaas darteed ayuu leeyahay wax la`aanta iyo baahida qof loo qoray ma lahan oo ay la dhalatay ee qof walbow iimaankaaga quruxso.

 

 

Want to keep up with our blog?

Get our most valuable tips right inside your inbox, once per month!

Related Posts

gabay Jowhar qarameed

Gabaygii jowhar qarameed. Abwaan Carays Urur Indhaweyd ba jiinleyda gabay, jaanis uma heyne Ma jalleecin maansooyinkii, jeedalka ahaaye Wax I jiitay mooyiye beryahan waa ka

Read More »