Afartii sano ee ugu danbeysay waxaa si’ is daba joog ah u soo muuqanayay dhallinyaro qorayay Buugaag isla markaana ka mid noqonayay qoraayaasha Soomaaliyeed.
Qoraagu ma aha qof sahlan, oo kaalin muhima ayuu bulshada kaga jiraa, hayeeshee qoraa waa la noqon karaa lamase noqon karo qoraa wanaagsan.
in aad buug qortaa waxa ay u baahantahay xeeldheeri aqooneed, aragti qoto dheer iyo waayo aragnimo nololeed. waxse hadda ay waayo aragnimadii gashay dhanka akhriska oo aad ay ugu fiican yihiin dhallinteennu waayadan danbe, taana, waa tu loo baahanyahay oo ruuxu marka uu arday yahay misna uu akhriyo Buug uu aqoonyahan qoray ama Abwaan qoray waxa uu qaadanayaa aragtidiisii sidaa si la mid ah waxa uu helayaa aqoon buuxda.
hayeeshee waxaan laga sinneyn karti u lahaanshaha soo saaridda Dhigane(Buug) tayo leh.
tolow ma jiraan waxyaabo muhim u ah Qoraa ruuxa laga doonayo in uu ku sifoobo?
haa, waa jiraan.
qofka doonaya in uu Buug qoro waxa uu ka qoraa wax isaga ka dhex guuxaya isla markaana ku soo laa laabtay oo uu ka jiifi waayay kana joogi waayay in uu sheegana doonaya.
laab ka guuxaas ayaa ku qasbaya in uu Buug ka diiyaariyo arrinta isaga la soo gudboonaatay ha ahaato: Murug, farxad Iwm.
Tusaale ahaan anigan Calinuur shiine ah waxaa ka guuxaya laabteyda dhaqanka Soomaalida;- markaas baan jeclaanayaa in aan la wadaago bulsho-weynta, waxaase aan hubaa haddii aanan aad ugu kuur gelin inaanan wax fiican soo saareynin,sidaa aawadeed baa aan u baahanayaa jaranjaro aan caqabadahaa kaga tallaabo si aan wixii aan doonayay iyagoo idibilan oo dhammeystiran iinna laga dhowray u soo gudbin lahaa ama usoo bandhigi lahaa.
Qoraagu siyaabo kala duwan ayuu wax u qoraa sida:dhacdo in uu wax ka qoro ha ahaato mid murugo ama farxad e, dhaqan ay umadi leedahay oo soo jireen ah, Sooyaal iyo taariikh la soo cusbooneysiinayo si jiilasha danbe ugu aayaan dhaxalna ugu noqdo, in wax laga qoro arrimaha jaceylka iyo sidoo kale sheekooyin khiyaal ah oo la mala’awaalay. se ah kuwo dhici kara.
intaas iyo in ka badan ayaa uu qoraagu diiradda saaraa balse nasiib xumo dhaliilo kama dhammaadaan binii’aadmigu.
Haddaba waxaa looga baahanyahay qoraaga aan in yar ku soo koobo e.
1) Ku xeel dheerow afka aad wax ku qoreyso oo baro erayo badan
si aad u sameyso dhigane ku qoran af yara cuddoon oo loo soo xiisi doono akhriskiisa, adiga ayaa Buug ka dhigi kara buuggaaga u dhookh adigu magac oo qurxi dadkuna marka ay ka helaan iyaga ayaa magac ula bixi doona buuggaaga.
2) U kuurgal waxa aad wax ka qoreyso,
tusaale:haddii aad dhacdo dhacday wax ka qoreyso waxaa la rabaa in aad xog dhammeystiran ka heyso si aad uga qanciso dadka uu ogaanshahooda tuhunku uga jiro.
3) Nuxur u yeel Buugaaga:
oo maxaan kala jeedaa? tusaale afka Soomaaligu wuxuu leeyahay: maahmaah,murti, gabayo, sheekooyin aan caadi aheyn iwm. ka waran haddii aad ku shaqasho Buuggaaga oo aad ku dheehdo murti iyo maahmaah amase sheekooyin ma maleyn kartaa sida loo macaansanayo? haddii aad mahmaahdo, haddii aad murti soo xigato, haddii aad sheekeyso waa lagu jecleysanayaa waxa aanad gaareysaa heer buugaag kuwaaga ah oo aanu arkin ruuxu inuu u hiloobo baadi goobkiisana galo.
4) Baro sida wax loogu qoro agabka lagama maarmaanka u ah wax qoristaada,
sida Kombiyuutarka, farta gacan qorada ah iwm.
kuwaasi waxay kaa kaalmeynayaan in aad si fudud oo aan khalad ku jirin u soo saarto.
Oo gacan qoro maxaad uga baahantahay? waad u baahantahay,ma adigaan wax urursan(note-gareysan) ka hor intaadan buugga billaabin haddaba taasi waa taas.
5) Baro astaameynta qoraalka:
waa kaalin muhim ah, dhallinyarada qarnigan wax qorase kuma baraarugsana. waxa aan akhriyay dhiganayaal farabadan oo ay qoreen jiilkaygu haddana waan dhaliilay oo ceebo badan ayuu Buuggoodu lahaa.
waxaa lagama maarmaan ah in aad astaameyso fartaada, si uu ugu raaxeysto akhristahaagu. waa lagu oomayaa waana laga qash dhacayaa akhriska buuggaaga haddii aadan astaameyn.
guntii iyo gebengabadii waxa aad sameysaa tifatir Buuggaaga in khaladaad kaaga jiro iyo in kale. kama dhameyn kartid khalad laakiin isku day in aad 95% saxdo oo aad ku celceliso.
DHAMMAAD.
W/Q : Calinuur Shiine.