Yaa qoray buugga Bilic Haween? muxuuse ka hadlayaa?

Table of Contents

Buugga Bilic Haween waa buug kooban oo aad cajiib u ah, waxaa laga qoray quruxda dumarka. Buuggu wuxuu cuskanayaa seddex tiir oo la dhihi karo “caadi maaha”. Seddexdaas waxa ay kala yihiin; maahmaahda Soomaalida, sheeko-dhaqameedka Soomaalida iyo suugaanta Soomaalida.

Seddexdaas tiir ayaa laga dhex baaray quruxda dumarka si loo ogaado ama loo fahmo waxa loo danleeyahay. Buuggu wuxuu ka koobanyahay toddoba cutub. Si guudna wuxuu buuggu u soo bandhigayaa halka laga eegi karo quruxda dumarka waxaanan dhihi karaa waa muraayad gabdhuhuna iska dhex arki karaan sidoo kale na laga dhex arki karo.

Buugga Bilic Haween wuxuu soo bandhigayaa talo guud oo hablaha ku saabsan. Dardaaran ayaa ka mid ah iyo sidoo kale aqoon ay kororsan karaan gandhuhu oo buugga ay ka dhex helayaan. Sidoo kale intaas kaliya maaha ee raggu xitaa waxa ay ka dhigan karaan qaamuus aan caadi ahayn iyo muraayad hablaha laga dhex arki karo.

Buugga Bilic Haween waxaa qoray abwaan Calinuur Shiine oo ah suugaanyahan iyo qoraa dhowr buug qoray.

Want to keep up with our blog?

Get our most valuable tips right inside your inbox, once per month!

Related Posts